NISA oo baaraysa Lacag Mucaaradka Garoonka uga soo degtay
Dowladda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee maanta Barqanimadii duleedka magaalada Muqdiso lagula eegtay qaar ka mid ah Injineerada dhisaya waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.
MUQDISHO, Soomaaliya - Maxamed Ibrahim Macallimuu Afhayeenka Xukuumadda oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay Cambaareyneyso weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lala beegsaday Ciidanka Booliska Haramcad iyo Injineerada Turkida ahaa ee dhisayay waddada xiriirisa magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye.
Macalimuu, Afhayeenka Xukuumadda ayaa sidoo kale sheegay inay dowladda tacsi u direyso dadkii ku geeriyooday qaraxii maanta ee isugu jiray ciidanka iyo dad shacab ah oo xiligaas goobta ka dhawaa, isla markaana uu jiro khasaaro dhaawacyo ah.
Afhayeenka ayaa sidoo kale xusay in xukuumadda ay ka go'an tahay sii wadista dhismaha jidkan muhiimka u ah bulshada, isagoo shacabka ugu baaqay in ay dhinac uga soo wada jeestaan la dagaallanka Al-Shabaab.
Dhanka kale kooxda Al-Shabaab war ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen mas'uuliyadda qaraxii ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanka Lafoole, iyagoo sheegay inay ku dileen sarkaal Turki ah, halka laba Askari oo kalena ay ku dhaawacmeen.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuldareeysatay sugidda amaanka Injineerada iyo farsama yaqaanada Dhisaya wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments