DF oo ka hadashay weerarro ka dhacay Hiiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay weerarro lagu soo qaaday degmooyin ka tirsan gobolka Hiiraan ee maamulka Hirshabeelle

Warar Keydmedia Online
DF oo ka hadashay weerarro ka dhacay Hiiraan

BUULO-BURDE, Soomaaliya - Taliyaha Ciidanka xoogga Dalka qeybta 27 -aad Janaraal Axmed Maxamed Maxamuud (Taree-disho) oo soo gaaray magaalada Buulo burde ee gobolka Hiiraan ayaa faah faahiyay weerar ay Al-Shabaab kusoo qaadeen degmooyinka Buulo-burde iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Taliyaha ayaa ka hadlay dagaalkii xalay kooxda Al-Shabaab ay kusoo qaadeen degmooyinka Buulo-burde iyo Jalalaqsi, weerarka ayuuna ku tilmaamay taliyuhu mid tuur-tuur ah, waxa uuna ciidamada dowladda iyo kuwa nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ku ammaanay sidii ay isaga difaaceen maleeshiyaadka kooxda.

Taliyaha Qeybta 27 -aad ee CXDS ayaa sheegay in uu qasaaro soo gaaray kooxdii weerarka soo qaadday ee Al-Shabaab, waxa uuna ku celiyay mar kale ammaanta uu u hayo ciidamada ka hor tagay weeraradii xalay xoqsheysnaa ee ay kooxdu soo qaadday.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.