DF oo ka hadashay xaaladda amni ee dalka

Wasiirka amniga xukuumadda xil gaarsiinta Soomaaliya Xasan Xundubey oo ka hadlay xaaladda amni ee caasimadda iyo shirka furmay

Warar Keydmedia Online
DF oo ka hadashay xaaladda amni ee dalka

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka wasaaradda amniga xukuumadda xil gaarsiinta Soomaaliya Xasan Xundubey oo wareysi siinayay warbaahinta dowladda ayaa tilmaamay in aad looga shaqeeyay amniga caasimadda dalka oo uu ka billowday shirkii golaha wadatashiga qaranka ee doorashooyinka Soomaaliya.

Ra'iisul wasaare Rooble ayaa magacaabay guddi soo dhaweynta wufuudda ka qeyb galeysa shirka loogu talagalay kaasoo uu guddoomiye u ahaa wasiir Xundubey, waxa uu tilmaamay in guddiga aad loogala shaqeeyay howshooda, si gaara mas'uuliyiinta dowlad goboleedya ayuu tilmaamay in ay soo direen xubno iyaga matalaya oo kala shaqeynaya hab maamuuska iyo amniga soo dhaweynta ergada.

Wasiirku wuxuu sheegay in maalintii koowaad ee shirka ay ahayd furitaan, waxa uuna rajo wanaagsan ka muujiyay shirka, isagoo tilmaamay in laga yaabo in maalinimada Isniinta ah oo ku beegan 24 -ka bisha lasoo gabagabeyn doono shirka, waxaana sal u ah heshiiskii 17 -ka September.

Wasiir Xundubey ayaa sidoo kale tilmaamay in haddii siyaasadda laga heshiiyay amniga uu iska sahlan yahay, waxa uuna yiri "Amnigu waa hooska siyaasadda, haddii siyaasadda laga heshiiyay amnigu waa sahlan yahay, wixii la isku hayay ee siyaasadda ahaa waa laga heshiiyay, waxayna maree sidee wax loo fuliyaa?"

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.