DF oo ka soo hor jeesaty mudaharaadka Jimcaha

Dowladda uu waqtigu ka dhamaaday ee Farmaajo hoggaamiyo ayaa ku dhawaaqday in Magaalada Muqdisho aan lagu qaban karin mudahaaraad.

Warar Keydmedia Online
DF oo ka soo hor jeesaty mudaharaadka Jimcaha

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale oo shir jaraa’id maanta ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aan la aqbali doonin bannaan-baxa ay iclaamiyeen Midowga Musharixiinta.

“Sida aad ka war-qabtaan banaanbax waa la joojiyey ha noqdo mid dowladda lagu taageerayo ama ha noqdo mid looga soo hor jeedo, labada dhinac ee dowladda iyo mucaaradka waxay xaq u leeyihiin inay banaanbax soo abaabulaan, laakiin hadda kuligood waa sharci darro, cidii sameysana iayada unbaa is xilqaantay,” ayuu yuri wasiir Xundubey.

Wasiir Xudubey ayaa sheegay in DF ay amarkaan soo rogtay, kadib laba kacleynta cudurka faafa ee COVID-19.

Golaha Midowga Musharixiinta ayaa shalay iclaamiyay dibad-bax xooggan oo ka dhacaya taallada Daljirka Dahsoon Jimcaga Soo socda.

Jimcihii la soo dhaafay ayay ahayd markii dowladda waqtigeedi dhamaaday ay is hor is tag ku sameysay muraharaad ay sidaan oo kale iclaamiyeen Mucaaradka.

lama oga sida uu xaal noqon doono jimacaha Soo socda, waxaana la saadaalinayaa in ay dhacaan shaqaaqooyin ka badan kuwii hore haddii aan labada dhinac mid tanaasulin.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 February 2021 1:45

Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay in dad gaaraya 20 qof ay ku dhimatay dagaalka Muqdisho, inkastoo macluumadka ay Keydmedia Online haleysa sheegaya in ku dhawaad 60 qof ay ku dhinteen.