DF oo kulan Amniga looga hadlayo Baladweyne ku qabatay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qabatay kulan amiga Baladweyne ku saabsan u qabatay saraakiil ciidan oo ku sugan magaalada Baladweyne iyo weliba Ciidamada AMISOM

Warar Keydmedia Online
DF oo kulan Amniga looga hadlayo Baladweyne ku qabatay

BALADWEYNE, Soomaaliya - Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maalmihii u dambeeyay gashay xaalad qal-qal amni ah, islamarkaana waxaa ka dillaacay jabhado hubeysan kuwaasoo kasoo hor jeeda Dowladda Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka dowladda Soomaaliya Generaal Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa kulan looga hadlayay amniga la qaatay Saraakiisha ciidamada qalabka sida, kuwa nabad ilaalinta ee ka socda Midowga Afrika ee AMISOM iyo madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Daba-geed.

Kulanka ayaa aad looga hadlay sidii loo adkeyn lahaa amniga Baladweyne, iyadoo toddobaadyadii hore ay ka dhaceen rabshado, kuwaasoo lagu muujinayo sida looga soo hor jeedo dowlad goboleedka Jowhar lagu soo dhisay ee Cali Guudlaawe loogu doortay madaxweyne.

Ciidamada dowladda ee sida gaarka ah u tababaran ayaa howl-gallo dad lagu soo qab-qabtay ka sameeyay magaalada Baladweyne, sidoo kale saxafi wareysi la yeeshay mid kamida hoggaamiya yaasha ku kacsan nidaamka dowladda oo lagu magacaabo General Xuud ayaa isna la xiray, iyadoo looga gol leeyahay sugidda amniga, waa sida ay noo sheegeen saraakiil ka tirsan DF oo aan ka wareysanay xarigga wariyayaasha ee ka billowday Baladweyne.

DF ayaa wajahaysa dhibaayin cul-culus xilli lagu guda jiro Kala-guur, oo ay dowladdu xakameyn la'dahay sidii ay dalka ku gaarsiin lahayd mid xasilloon inta laga baxayo doorashooyinka, magaalooyinka qaar Soomaaliya waxaa maamula Al-Shabaab, halka qaarna ay gacanta ku hayaan Dowlad Goboleedyo ka aragti duwan Dowladda dhexe, iyadana ay isku dayeyso in ay la wareegto dhulka ay maamulaan dowlad goboleedyada kasoo hor jeeda. 

Sidoo kale waxaa bar-bar socda, bannaan-baxyo ka socda magaalada muqdisho kuwaasoo ay soo abaabulayaan dhallinyaro taageersan Golaha midowga musharaxiinta kuwaasoo dhaliilaya dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo, waxayna dowladdu la daba taagan tahay xarig dhallinyarda ay ku tuhmayaan in ay ka dambeeyaan Abaabulka bannaan-baxyada!

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.