DF oo shacabka ka codsatay in dhaqaale loo aruuriyo

Dowladda Federaalka ayaa shacabka Soonaaliyeed ka codsatay in dhaqaale loo aruuriyo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, xilli olole loogu jiro doorashada xildhibaannimada iyo tan madaxtinimada Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
DF oo shacabka ka codsatay in dhaqaale loo aruuriyo

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay Akoono ay codsatay in dadka Soomaaliyeed ay lacag ugu yaboohaan ciidanka Qaranka, si looga maarmo taageerada ama gacan hoorsiga shisheeye.

Arrintaan ayaa ku soo aaday iyadoo bishii April ee sanadkaan ay wasaaraddu sheegtay in aysan wax lacag heynin islamarkaana laga goostay taageeradii dibadda.

"Si aan u helno cuddud xoog leh, dhammaanteen waxaa nagu waajib ah in aan garab istaagno ciidamadeena, maxaa yeelay Har iyo Habeen waxa ay u taagan yihiin difaaca dadka iyo dalka. Muwaadin ka qeyb qaado taageerada CIIDANKA QARANKA" waxaa farriintaas bulshada kula wadaagay barta Facebook -ga wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.