DF oo shan sano oo xabsi ah ku xukuntay Matt Brydan

Su’aalaha is weydiinta mudan ayaa ah maadaama Matt Brydan, uu yahay ajanabi, maxay tahay sirta uu Qaranka ka hayay ee uu ajaanibta kale la wadagay?, yaa isaga sirta siiyay? Maxakamadu ma aysan caddeyn arrinkaas.

Warar Keydmedia Online
DF oo shan sano oo xabsi ah ku xukuntay Matt Brydan

MUQDISHU, Somalia – Maxkamadda gobolka Banaadir, ayaa maanta shan sano oo xabsi ah ku xukuntay Matt Brydan oo ah cilmi-baare u dhashay dalka Canada, isla-markaana ah aas-aasaha iyo milkiilaha Hey’adda Sahan Reseach, oo fadhigeedu yahay geeska Afrika.

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, ayaa hore dhowr jeer ugu eedeeyay Matt Brydan iyo Hey’addiisa Sahan, in ay faafin jireen siraha Qaranka, taas ayaana sababtay in maanta lagu xukumo shan sano oo xabsi ah, isaga oo maqane ah.

Sidoo kale Hey’adda Sahan Reseach ayey maxkamaddu ka mamnuucday in dib dambe ay uga howlgasho gudaha dalka Soomaaliya.

Waraaq ka soo baxaday Maxakamdda Gobolka Banaadir 15-kii bishii April ayaa eedeysanayaasha kala ah; Rashid Abdi, Matt Brydan, Robison Colin, Rahman Rage Khaire, Emmanuel Deisser iyo David Hopkins, la ogaysiiyay in ay hor yimaadaan Maxakamadda, hayeeshee, ma jiro mid u hoggaansamay amarka maxakamadda.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, C/qaadir Maxamed Xasan, oo Suxufiyiinta Magaalada Muqdisho ugu akhriyay xukunka, ayaa sheegay in shanta eedeysane ee kala ah; Rashid Abdi, Robison Colin, Rahman Rage Khaire, Emmanuel Deisser iyo David Hopkins lagu waayay wax dembi ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay eedeymo kala duwan u soo jeedisay milkiilaha Sahan Research Matt Bryden, waxaana laga mamnuucay inuu ka howlgalo Soomaaliya 18-kii December 2018.

Sahan Research, waa Xarun cilmi-baaris oo diiradda saarta khilaafaadka gobolka, amniga iyo dib u heshiisiinta. Waxay xafiisyo ku leedahay Nairobi, iyo London, halka Muqdisho laga mamnuucay, waxay diiradda saartaa Geeska Afrika waxayna daabacdaa warbixino ku saabsan amniga, xaaladda siyaasadeed iyo dhismaha nabadda.

Hadaba, su’aalaha is weydiinta mudan ayaa ah maadaama Matt Brydan, uu yahay ajanabi, maxay tahay sirta uu Qaranka ka hayay ee uu ajaanibta kale la wadagay?, yaa isaga sirta siiyay? Maxakamaduu ma aysan caddeyn arrinkaas.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 December 2021 18:32

Boobkii doorashada ee sababay dilkii MW Soomaaliya iyo isku dhajintii xukunka ee keentay burburka dalka ayuu Farmaajo dib u soo celiyay, wuxuu diiddan yahay banneynta xaafiiska iyo hirgalinta doorasho xalaal ah.