DF oo sheegatay guulo ay ka gaartay dagaal ay Al-Shabaab lagaleen

Dowladda Federaalka ayaa sheegatay in ay guul ka gaareen iska horimaad dhexmaray iyaga iyo kooxda Al-Shabaab

Warar Keydmedia Online
DF oo sheegatay guulo ay ka gaartay dagaal ay Al-Shabaab lagaleen

BUULOBURDE, Soomaaliya - Dowladda Federaalka ayaa sheegatay in ay guulo ka gaareen dagaal dhexmaray iyaga iyo kooxda Al-Shabaab kuwaasoo ka dhacay degaanno hoos taga degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

Taliyaha Qeybta 27-aad ee ciidanka xooga dalka Soomaaliya Gen. Axmed Tareedisho ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay Al-Shabaab ka saareen degaano hoostaga degmada Buula Burde ee Gobalka Hiiraan islamarkaana ay kooxdaasi kala wareegeen deegaano dhowr ah ragna ay ka dileen sidoo kalena ay soo bandhigeen hub ay kala wareegeen kooxda.

Weerarrada udhaxeeya ciidamada dowladda iyo kooxda Al-Shabaab ayaa baryahan dambe sii kordhaya iyadoo degaanno badan oo ka tirsan gobollada bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya ay ka dhaceen weerarro udhaxeeya labada dhinac kuwaasoo intooda badan looga awood roonaaday kooxda Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.