Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandoosta Danab ayaa shaaca ka qaaday in duqeyn lagu dilay Sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
JAMAAME, Soomaaliya - Saraakiisha Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa sheegay in weerar duqeyn ah oo ka dhacday degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose lagu dilay midkamida saraakiisha sar sare ee kooxda Al-Shabaab kaasoo magaciisa lagu sheegay Maxamed Cabaas.
Sarkaalkan la dilay ayaa kooxdiisa Al-Shabaab u qaabilsanaa Askareynta Caruurta deeganada ay xoogga ku qabsadaan, gaar ahaan degmada Jamaame iyo tuulooyinka hoos yimaada.
Taliska ciidamda AFRICOM ayaa sheegay in la fuliyay weerar lagu dilay sarkaalka iyagoo gacan ka helaya ciidamda Kumaandoosta Danab oo qeyb ka ahaa weerarka sida lagu xaqiijiyay bogga ay internet -ka ku leeyihiin Taliska ciidamda AFRICOM.
Weerarka ayaa dhacaya xilli ciidamda Mareykanka ee howlgallada ka waday Soomaaliya ee loo yaqaan AFRICOM ay ka baxayaan Soomaaliya, iyadoo shaaca laga qaaday in si rasmi ah ay u ga baxeen Soomaaliya sida uu amray madaxweynihii hore ee mareykanka Donald Turamp.
Kooxda Al-Shabaab ayaa iyaduna dhankeeda waxay howl gallo ka sameeyaan deegaanada kala duwan ee bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, waxayna weerarro ismiidaamin ah, kuwa qorsheysan iyo qaraxyo dhulka lagu aaso ku dilaan boqollaal Soomaali ah Sanadkii, Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa ay garabka ka helayaan ee AFRICOM iyo AMISOM ayaan guul weyn ka gaarin dagaalka kooxda.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments