DF oo sheegtay in ay ku guuleysatay Dhismaha golaha adeegga Garsoorka

Sida uu sheegay Wasiirka Caddaaladda ee Xukuumadda Soomaaliya waxaa la dhammeystiray dhismaha golaha adeegga Garsoorka dalka.

Warar Keydmedia Online
DF oo sheegtay in ay ku guuleysatay Dhismaha golaha adeegga Garsoorka

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Caddaaladda xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa tilmaamay in ay ku guuleysteen markii ugu horreysay taariikhda Soomaaliya in la dhammeystiro dhismaha golaha adeegga Garsoorka.

"Iyada oo loo hogaansamaayo dastuurka dalka, oo waajibinaayo dhismaha Golaha Adeegga Gasoorka si ay laanta garsoorku ugu madaxbanaanato waajib gudashadeeda si dhameystiran: Wasaaraddu waxa ay si adag uga shaqeysay dhameystirka dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka, waxaana la soo dhameystiray xubnihi ka dhinnaa golaha" ayuu yiri wasiirka Caddaaladda. 

Wasiirku waxa uu sheegay in la marsiiyay golayaasha xukuumadda iyo kan Shacabka ugu danbeynna waxaa lagu soo saaray xeer madaxweyne, waxa uu intaa raaciyay Wasiirka "Waxaana maanta ku guuleysannay in marki ugu horreysay taariikhada dowladnimada Soomaaliya uu dalku leeyahay Gole Adeeg Garsoor oo u madaxbanaan maamulka hay’adaha garsoorka ee dalka, arintaan ayaa ka dhigan in tiirki ugu muhiimsanaa hanaanka dimuquraadiga ah maanta loo suray qaranka Soomaaliyeed, taa oo ah madaxbanneynta buuxda ee garsoorka dalku helay.DHAMEYSTIRKA DHISMAHA GOLAHA ADEEGGA GARSOORKA"

Wasiirka Caddaaladda xukuumadda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa horay loogu eedeeyay inuu qeyb kulahaa weerarkii lagu qaaday hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, isagoo xilligaa ka tirsanaa hay'adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, xilliga howl galkana uu ka hagayay xafiiskiisa.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.