DF oo sheegtay in ay qabatay lacago laga keenay Kenya

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Xijaar ayaa sheegay in la qabtay lacag ka timid waddanka Kenya, taasoo aan la ogeyn ujeedada balse uu ku socdo baaritaan 

Warar Keydmedia Online
DF oo sheegtay in ay qabatay lacago laga keenay Kenya

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in ciidanka saldhigga booliska Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ay maanta gacanta ku dhigeen lacag uusan sheegin cadaddeeda.

Waxaa lagu tilmaamay in lacagtaasi ay sharci darro ku soo gashay dalka, islamarkaana la socotay diyaarad ka timi dalka Kenya. Taliye Xijaar wuxuu sheegay in baaritaan dheeri ah ay xilligan ciidanku ku hayaan dhacdadan.

Dowladda Soomaaliya ayaa markii labaad sheeganeysa in ay qabatay lacago ay ku sheegtay sharci darro oo kasoo galay waddanka Kenya, waxayna u muuqataa arrintan maanta uu sheegay Taliye Xijaar in ay lamid tahay lacag lagu sheegay in lagu qabtay xadka Soomaaliya iyo Kenya taasoo si sharci darro ah lagu soo galiyay waddanka Soomaaliya.

Xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa xumaaday tan iyo intii uu xilka madaxtinimada hayay Madaxweynaha Waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo, waxaana heshiis saddex geesood ah uu la saxiixday waddamada Itoobiya iyo Eratariya, dowladda Kenyana xiriirka ayuu u jaray madaxweyne Farmaajo.

Ma jirto cid ilaa iyo hadda si rasmi ah loogu soo eedeeyay lacagta, mana jirto sidoo kale ilaa iyo hadda dowlad farta lagu fiiqay, balse waxay u egtahay in dowladda Kenya mas'uuliyadda arrintan dusha laga saari doono maadaama lacagtani laga helay diyaarad ka timid Kenya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].