DF oo sheegtay in laga heshiiyay murankii doorashooyinka

Dowladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday in la isku af-garatay dhamaan qodobadii la isku maan dhaafsanaa, ee sababay dib u dhaca doorashada, iyo xasaradihii kacsanaa ee Siyaasadda.

Warar Keydmedia Online
DF oo sheegtay in laga heshiiyay murankii doorashooyinka

UNITED NATIONS - Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq, ayaa ka sheegay shirkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay maanta ka yeesheen xaaladaha Soomaaliya, in Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyadu heshiis ka gaareen murankii jiray.

Wasiir Maxamed Cabdirisaaq, ayaa xusay in saddexdii arrin ee ugu cuslaa la xalliyay, taas oo gabagabo ka dhigeysa wadahadalladii u dhaxeeyay Dowladda iyo Dowladaha xubnaha ka ah oo bilawday 22-kii bishaan May.

"Waxaan hadda gaarnay heshiis Soomaaliya u horseedi doona doorasho loo wada dhan yahay, oo lagu kalsoonaan karo, xor iyo xalaal ah. Saddaxda arimood ee muhiimka u ahaa dhameystirka heshiiska dhamaantood waa laga wada hadlay oo hal mabda’ ayaa laga qaaatay”. Ayuu yiri Wasiirka Arrimha Dibadda Soomaaliya.

"Geedi socodka gorgortanku ma ahayn mid fudud, Si kastaba ha ahaatee, waxaan hadda gaarnay heshiis Soomaaliya u horseedi doona doorashooyin xor ah, doorashooyin caddaalad ah." ayuu mar kale ku celiyay Wasiir Maxamed Cabdirisaaq.

Sida ay hore u tabisay Keydmedia Online, waxaa laga hishiiyay inta badan qodobadii looga hadalay Shirka Wadatashiga, waxaana laga gudbay darbigii weynaa ee muranka arrimaha Soomaaliland, ayadoo Khamiista soo socota la soo afjari doono shirka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.