DF oo soo rogeysa ganaax ku aadan xirashadda Af-xirka [Face Mask]

Dowladda Fadraaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ganaax la dul dhigi doono dadka jabinaya amarka iyo talooyinka ka soo baxaya Dowladda ee looga hor tagayo Coronavirus.

Warar Keydmedia Online
DF oo soo rogeysa ganaax ku aadan xirashadda Af-xirka [Face Mask]

MUQDISHO, Soomaliya - Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Finish oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dadka ka hor yimaada amarada iyo talooyinka Dowladdu soo jeedisay ee lagu xakameynayo COVID-19 la ganaaxi doono.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii Dowladda Fadaraalku soo rogtay amarro la doonayo in la hirgaliyo si loo xakameeyo Coronavirus-ka faafaya, wuxuuna Cumar Finish sheegay in bulshadu aysan wali si buuxda u dhaqan galin awaamiirta la faray.

Duqa Caasimadda waxa uu caddeeyay in laga billaabo 15-ka bishaan Maarso, la soo rogi doono ganaax qabanaya qof kasta oo aan amaradii DF ka soo baxay u hoggaansamin, wuxuuna qof kasta faray inuu xirto face mask.

Cumar Finsh wuxuu xusay in Dowladdu ay xiri doonto duulimaadyada haddi xaaladdu sidaa sii ahaato, wuxuu sii xoojiyay amaradii hore.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 2 August 2021 18:19

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BJFS, Cabdi Xaashi Cabdullahi, ayaa ku gacan seyray dalab uu shalay u gudbiyay RW Rooble, wuxuuna soo bandhigay taalooyin xal looga gaari karo muran hareeyay kuraasta Soomaaliland.