DF oo taageero milatari weydiisatay Dowladda Mareykanka

Dowladda Soomaaliya ayaa taageero milatari weydiisatay dowladda mareykanka, iyadoo sidoo kalena ka codsatay dowladda mareykanka in ay ka qeyb qaataan dar-dar gelinta howlaha la xiriira amniga

Warar Keydmedia Online
DF oo taageero milatari weydiisatay Dowladda Mareykanka

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda xilgaarsiinta Xasan Xuseen Xaaji ayaa Maanta kulan gaar ah la qaatay saraakiil ka tirsan Taliska Ciidamada dowladda Mareykanka ee Soomaaliya, kulanka oo ahaa mid qaatay saacado kooban ayaa looga hadlay arrimo ay kamid yihiin taageerada dowladda mareykanka ee ku aaddan dhinaca milatariga iyo dar-dar gelinta tababaradda.

Kulanka Wasiir Xasan Xuseen Xaaji iyo Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ayaa ku qotomay Xoojinta Xiriirka Milatari ee Ka dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka ,iyo Sidii loo dardargalin lahaa howlaha tababaridda iyo taageeridda mareylanka ay siiyaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa taageero xoog leh siisa dowladda Soomaaliya iyadoo dhawaan soo gudbisay dhaqaalaha uga baxay Soomaaliya oo ah waddanka ugu badan ee kaalmo dhaqaale iyo mid milatari siiya Soomaaliya, waxaana ciidamo si gaara loo tababaray oo dowladda Mareykanka ay si aada ugu dadaashay ay u tababartay dowladda Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.