DF oo ka hadashay dibadbaxyada looga soo horjeedo Farmaajo

Wasiirka Amniga Xasan Xundubeey ayaa sheegay in hay'adaha amaanka dowladda aana lagu soo wargelin qabashadda dibadbaxyadii shalay ka billowday magaaladda Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
DF oo ka hadashay dibadbaxyada looga soo horjeedo Farmaajo

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Amniga Soomaaliya Xasan Xundubeey ayaa ka hadlay banaanbaxyadii shalay ka dhacay Muqdisho ee looga soo horjeeday boobka Farmaajo ee doorashooyinka dalka.

"Majiro isku soo bax lagu soo wargaliyay Hey'adaha Amniga dalka," ayuu yiri Wasiirka, oo ka hadlay SNTV xalay.

Wuxuu ku tilmaamay dadkii dhigay banaanbaxa qaswadiyaal lasoo adeegsadey, isagoo sheegay inay arkeen dad hubeysan oo wajiyadda soo xirtay oo mudaharaadaya, laakiin aan jirin shacab si nabdoon u banaanbaxaya.

Wasiir wuxuu qiray in dastuurka uu xaq u siinayo muwaadiniinta inay ra'yigooda iyo dareenkooda muujiyaan oo ay qabsan karaan banaanbax, laakiin wuxuu diiday in la qalqal geliyo amniga iyo xasiloonida Muqdisho.

Ciidamo badan ayaa DF dhigtay xalay illaa shalay wadooyinka, si ay uga hortagto banaanbaxyo kale oo lagu diidan yahay Maamulka Farmaajo, iyo musuq-maasuq doorashadda dalka lagu hayo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.