Labo kamid ah qodobada ugu waaweyn fashilka Farmaajo
Khasaaraha dhimashadda ayaa ka badan tirada ay Dowladda sheegtay, wuxuuna gaaraya illaa 8 oo u badan dhalinyaro Soomaaliyeed, oo goobta ku caweynayay.
MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay qaraxii xalay ee ka dhacay maqaayadda Gelato Divino, oo ku dhaw Isgoyska KM-4, wadada aada dhanka Garoonka diyaaradaha.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in weerarka ay ku dhinteen 6 qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen 8 kale, sida laga soo xigtay Taliska Booliska Soomaaliya.
Khasaaraha dhimashadda ayaa ka badan tirada ay Dowladda sheegtay, wuxuuna gaaraya illaa 8 oo u badan dhalinyaro Soomaaliyeed, oo goobta ku caweynayay xili uu qaraxa dhacayay.
Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay qaraxii xalay, oo kusoo beegmaya xili maalin kasoo horeysay uu duqa Muqdisho Cumar Filish dil ugu hanjabey Musharaxiinta Mucaaradka.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments