DF oo ka hor timid go’aankii Golaha Midowga Afrika

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si aada uga hor timid go’aankii dhawaan kasoo baxay Golaha Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika, kaasoo lagu cambaareeyay go’aankii muddo kordhinta ee Golaha Shacabka.

Warar Keydmedia Online
DF oo ka hor timid go’aankii Golaha Midowga Afrika

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda xil gaarsiinta ah ee Soomaaliya Cusmaan Dubbe oo warbaahinta kula hadlayay gudaha wasaaradda warfaafinta ayaa halkaas ka akhriyay warsaxaafadeed kasoo baxay xukuumadda xil gaarsiinta Soomaaliya.

Wasiir Dubbe oo sida uu sheegay diiradda saaraya laba qodob oo kamida qodobadii afar iyo tobanka ahaa ee kasoo baxay Golaha Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika, kuwaasoo kala ahaa:

  1. Qodobka Cambaareynta go’aankii Golaha Shacabka BJFS iyo
  2. Qodobka soo jeedinta la socodka dhaqdhaqaayada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya kuwaasoo la faray in Ciidamada AMISOM ay la socdaan dhaqdhaqaaqyada.

Wasiir Dubbe sheegay mar kale in ay horay usii sheegeen in Kenya iyo Jabuuti ay carqalad ku hayeen arrimaha shirka Golha Midowga iyo Nabadda ee Midowga Afrika, waxa uuna labadaasi waddan dusha ka saaray qodobbada ay dowladda federaalka ka xanaaqday ee baal marsan sharciga guud ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.