DFS: Al-shabaab ma aysan siideyn dhaqaatiirta Cuba

Warbaahita ayaa maanta sheegay in dhaqaatiirtan lasii daayay.

Warar Keydmedia Online
DFS: Al-shabaab ma aysan siideyn dhaqaatiirta Cuba

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa beenisay warar ay baahiyeen warbaahinta gudaha iyo kuwa dibadda ah, kuwaasi oo sheegaya in Al-shabaab ay siidaayeen Laba dhaqtar oo u dhashay wadanka Cuba oo gacanta ugu jira in ka badan Hal sano.

Sii hayaha wasiirka arrimaha dibadda DFS, Axmed Ciise Cawad oo la hadlay VOA ayaa sheegay in warkaasi uu yahay mid la abuuray oo aan waxbo ka jirin.

"Wararka ay warbahinta caalamku siideynayaan ee sheegaya in dhaqaatiirtii Cubanka ahayd ee lagu haystay dalka Soomaaliya gudahiis la siidaayay waa war aan dowladda Soomaaliya kasoo bixin, waana war la abuurayo" ayuu yiri wasiirka.

Dhanka kale, wasiir Cawad ayaa sheegay in xaaladda caafimaad ee dhaqaatiirtaasi tahay mid wanaagsan, mar walbana ay ka wareystaan dowladda Cuba.

Sidoo kale wasiir Cawad ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii ay xorriyaddooda ku heli lahaayeen Labadan dhaqtar.

Dhaqaatiirtan ayaa lagu kala magacaabaa Herrera Correa iyo Landy Rodríguez, waxaana gudaha dalka Kenya kasoo qafaashay xubno ka tirsan Al-shabaab, bishii April ee sanadkii 2019.

KEYMEDIA ONLINE
 

Commenting is not available in this channel entry.