DFS oo ammar cusub soo saartay

Dowladda ayaa ku amartay diblomaasiyiinyta Soomaaliyeed ee ka howlgala safaaradda Soomaaliya ku leedahay Kenya in ay dalka dib ugu soo laabtaan todobaadkaan. 

Warar Keydmedia Online
DFS oo ammar cusub soo saartay

MUQDISHO, KON - Dowladda federaalka ayaa waxa ay muddo Shan maalin ah u qabatay in dalka ay kusoo galaan diblomaasiyiinyta, u qeybsanayaasha, shaqaalaha hay'adda socdaalka ee ka howlgala safaaradda Soomaaliya ku leedahay Kenya.

Dowladda ayaa sheegtay in maadaama 7 cisho la siiyey in diblomaasiyiinta Kenyanka ay dalka uga baxaan, in kuwa Soomaaliyana loo baahan yahay in Shan cisho gudahood kusoo galaan.

Go'aankan ayaa salka u haya khilaafka sii xoogeystay ee dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Safaarada Soomaaliya ee Kenya ayaa maanta shaacisay in laga bilaabo berri oo Khamiis ah ay hakin doonto dhamaan adeegyaddii ay bixin jirtay. 

Sida lagu shaaciyay baraha bulshadda ay safaaraddu ku leedahay Facebook & Twitter, adeegyadii ay bixinaysay safaaraddu ayaa laga bilaabo Khamiista berri la istaajin doonaa. 

"Ayada oo la fulinayo go’aanka dowladda, waxaa la hakiyay dhammaan adeegyadii safaaraddu bixinaysay (...) Qof kasta oo baasaboor dalbaday ama sugayay waxaan ogaysiinaynaa in uu soo doonto ugu dambeyn maalinta Khamiista ah"

Tallaabadan ayaa imaanaysa kadib markii DF ay habeenimadii Isniinta sheegtay inay xiriirka u jartay Kenya, kuna amartay diblumaasiyiinteeda ku sugan Nairobi inay deg deg dalka ugu soo laabtaan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.