DFS oo beenisay in 30 qof xalay ku geeriyootay Martiini

Marwo Fawsiya Abiikar Nuur oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ayaa beenisay warar si xooggan saacadihii la soo dhaafay la iskula dhex marayay oo sheegayay in xalay iyo shalay ay 30 qof ku geeriyoodeen Isbitaal Martiini.

Warar Keydmedia Online
DFS oo beenisay in 30 qof xalay ku geeriyootay Martiini

MUQDISHO, Soomaaliya - Inkastoo Fawsiya Abiikar Nuur ay qirtay inuu soo laba kacleeyay caabuqa faafa ee COVID-19 ayay hadana meesha ka saartay wararka sheegaya in uu Isbtaalku la daalaa dhacayo Ogsijiin la’aan iyo  tirada la sheegay in ay ku geeriyootay 24-saac ee la soo dhaafay.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in gabbal-dhicii shalay iyo qorrax soo bixii saaka inti u dhaxeysay ay cudarkaan u geeriyoodeen shan qofood, wuxuuna Isbitaalku xilligaas qaabilay 16 qof.

Isbitaalka Dowladdu ugu talagashay in lagula tacaalo COVID-19, ayay laga soo wariyay dayac baahsan iyo Ogsijiin la’aan, hayeeshee waxaa jira hay’ado iskood isku xilqaamay oo isbitaalka gaarsiiyay qalab caafimaad.

Xildhibaan Cabdi Cali Xasan oo ka mid ah Guddiga gurmadka COVID  ee Golaha Shacabka BFS oo maanta booqday Martiini ayaa u mahad celiyay Dhaqaatiirta iyo howl-wadeennada kale ee Isbitaalka.

“Illaahay ka sokoow waxaan u mahad naqayaa, anoo ku hadlaya magaca Guddiga gurmadka COVID  ee Golaha Shacabka BFS, takhaatiirta iyo hawl wadeenada kale ee ka hawlgala Isbitaalka sida ay ugu hagar baxayaan bukaanka. Waxaan kaloo rabnaa inaan halkan uga mahad celino shirkada Hormuud khaasatan madaxda xafiiska u qaabilsan la dagaalanka cudurkan safmareenka ah ee COVID oo ugu horeeyo Eng. Cali.” Ayuu Cabdi Cali .

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.