DFS oo ciidan hor leh geysay gobolka Gedo

Ciidamadan ayaa ah kuwo aad u qalabeysan.

Warar Keydmedia Online
DFS oo ciidan hor leh geysay gobolka Gedo

MUQDISHO - Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta diyaarado ku daabushay qaar ka mid ah askarta sida gaarka u tababaran ee Gor-Gor, kuwaasi oo hubkoodu u dhammeystiran yahay.

Ciidamada ayaa waxaa hoggaminaya Taliyaha Ururka 9aad Ee Kafdiid, Liibaan Xasan Cali, waxaana halkaasi kusoo dhoweeyey mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Gedo.

Ciidamadan ayaa lagu xoojinayaa ciidamo kale oo DFS dhawaan geysay gobolka Gedo, waxaana loogu talagalay iney gobolkaasi ka difaacaan ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya.

Xiisad aad u xooggan ayaa ka jirta gobolka Gedo, waxayna dadka aad uga baqanayaa in halkaasi dagaallo culus ka dhacaan.

Ammaanka magaalada ayaa u muuqda mid faraha kasii baxaya, iyadoo DFS ciidanka ay halkaasi geysay ugu talagashay iney dagaallamaan.

Dhinaca kale, Jubbaland ayaa iyana la sheegaya in ciidan badan kasoo qaadday degmooyina Afmadw iyo Dhoobley, kuwaasi oo ay ugu talagashay in ay ku qabsato degmada B/xaawo.

KEYDMEDIA ONLINE
 

Commenting is not available in this channel entry.