DFS oo heshiis la saxiixatay IFC

Dowladda Farmaajo waxay raadineysaa maalgashadayaal shisheeye iyadoo dalku aanu ammaan ahayn.

Warar Keydmedia Online
DFS oo heshiis la saxiixatay IFC

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay heshiis la saxiixatay hay'adda IFC oo xubin ka ah World Bank Group, waana heshiis lagu caawinayo Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa ah mid la doonayo in lagu dhiiro-geliyo maalgashiga gudaha iyo sidoo kale midka Ajaaniibta ah, iyadoo hadafka ugu weyn ee heshiiskan uu yahay horumarinta adeegyada bulshada, abuurista shaqooyin iyo sidoo kale kobcinta dhaqaalaa Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumariunta Dhaqalaha ee DFS ayaa heshiiskan saxiixay, wuxuuna heshiiskan noqonayaa kii ugu horreeyey ee ay kala saxiixdaan DFS iyo IFC.

Heshiiskan ayaa bixinaya khariidada waddo lagu horumarinayo ganacsiga gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya, waana furaha mustaqbalka dhaqaalaha.

Dowladda Farmaajo ayaa horey sidan oo kale u gashay heshiisyo lagu sheegay in lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka, balse wax ka dhaqan-galay aysan jirin.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 1 December 2020 7:57

Tan iyo 2012 markii Malleeshiyaadkii Raas Kambooni ee uu watay Axmed Madoobe, oo kaashanayay Ciidamada Kenya ay la wareegeen magaaladda, waxaa la dilay dad badan oo qaab qabiil lagu khaarijiyay.