DFS oo ku wareersan xalka Xiisadda Baladweyne

Weli xaaladda B/weyne ayaan sal fadhida lahayn.

Warar Keydmedia Online
DFS oo ku wareersan xalka Xiisadda Baladweyne

BALADWEYNE, Soomaaliya - Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa aad ugu wareersan xallinta xiisadda B/weyne ee ka dhalatay maamulka qoor-qabadka lagu dhisay ee Hirshabelle.

Wasiirka arrimaha gudaha ee DFS Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa maanta kulamo kala duwan kula yeeshay magaalada B/weyne, waxgaradka iyo saraakiisha ciidamada, wuxuuna kala hadlay sidii xaaladda loo qaboojin lahaa.

Kulankii uu la yeeshay waxgaradka Hiiraan, ayuu kala hadlay sidii shirkooda ugu soo biiri lahaayeen madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle, Yuusuf Dabageed oo ku sugan B/weyne iyo sidoo kale guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle.

Waxgaradka ayaa aqbalay in kulanka lagu daro mas'uuliyiintan, balse waxay waxgaradka ku dheggan yihiin go'aanadooda hore.

Dowladda ayaa aad uga shaleysan degdegga ay ku dhistay maamulka Hirshabelle, iyo sidoo kale shaqsiyaadka ay u dhiibtay xilalka madaxweynaha iyo ku xigeen, iyadoo doonaysay iney ku boobto kuraasta Labada aqal ee Federaalka.

Dhanka kale, jabhadda ka dhisantay B/weyne ee uu hoggaaminayo Jeneraal Xuud ayaa iyana waxay taageero xooggan ka heleysaa shacabka ku dhaqan magaalada B/weyne/

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.