NISA oo baaraysa Lacag Mucaaradka Garoonka uga soo degtay
Khilaafka Diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa meeshii ugu sareysa gaaray.
Wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/risaaq Maxamuud ayaa sheegay in madaxda IGAD ay cadaadis ku saareen DFS in hoos loo xalliyo arrinta Somalia iyo Kenya.
Waxa uu sheegay wasiirka in iyaga ay diyaar u ahaayeen in markii ay Jabuuti tageen ay diyaa u ahaayeen soo bandhigista xaqiiqda eedeymaha ay u jeediyeen dowladda Kenya.
Waxa uu aad u rajeeyey wasiir Maxamed in uu dib usoo noqon doono xiriirka Somalia iyo Kenya.
“Dad badan waxaa laga yaabaa inay ka walwalsan yihiin Soomaaliya iyo Kenya in xiriirkooda xumaaday laakiin waxaa ogaataan Kenya iyo Soomaaliya waa labo dal oo deris ah inay yihiin, xiriir aad u dheer I uu ka dhaxeeyo, dad badan Soomaali iyo Kenyan ah ay faa’ido u leedahay xiriirka oo wanaagsanaada, Kenya iyo Soomaaliya ay ku qasban yihiin inay soo ceshadaan xiriirkooda, waqtiga ay munaasabka tahay sida ugu munaasibsan oo uu ku doo noqonaayo xiriirkaas”
War-murtiyeedkii laga soo saaray shirka IGAD ayaan meelna looga soo darin khilaafka Soomaaliya iyo Kenya.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments