DFS oo wax ka bedashay heshiiskii Albayrk 

Albayrk ayaa dekadda magaalada Muqdisho ka qabatay howlo aad u muhiim ah, sida dib u dhiska.

Warar Keydmedia Online
DFS oo wax ka bedashay heshiiskii Albayrk 

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wax ka bedal ku sameysay heshiiskii shirkadda maamusha dekadda Muqdisho ee Albayrk.

Heshiiskii hore ayaa ahaa 20 sano, hase ahaatee waxaa hadda lagu soo koobay Shan sano, xilli walbana la kormeeri doono waxa ka dhaqan-gala qodobadii lagu heshiiyey.

Mahdi Maxamed Guuleed, kusimaha ra'iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa goobjoog ka ahaa heshiiskan, waxaana dhanka dowladda federaalka u saxiixay sii hayaha wasiirka wasaaradda dekadaha Maryan Aweys, 

Ra'iisul wasaare ku xigeenka waxa uu sheegay in ulajeedka heshiiskan uu yahay kaliya in horumarin lagu sameeyo kii la gaaray 2014.

Shirkadda Albayrk oo laga leeyahay dalka Turkiga ayaa mudadii ay ka shaqeynaysay dekadda magaalada Muqdisho waxa ay ku sameysay dib u habeyn casri ah, iyadoo weli ay howlo ballaarin ah ka waddo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.