DFS: Waxaan dilnay xubno ka tirsan Al-shabaab

Howlgal ay fuliyeen ciidanka xoogga dalka ayaa lagu diley dagaalyahanno dhowr ah oo ka tirsan Al-shabaab.

Warar Keydmedia Online
DFS: Waxaan dilnay xubno ka tirsan Al-shabaab

Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in howlgal ay ka sameeyeen gobolka Shabellaha Hoose ay ku dileen xubno ka tirsan ururka Al-shabaab.

Dhamme Axmed Xasan Siyaad oo ah taliyaha ururka 143-aad ee ciidanka xoogga dalka, ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalkan uu ka dhacay deegaanno ku dhow deegaanka Bariire ee Shabellaha Hoose.

Taliyaha ayaa tilmaamay iney dileen 13 ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab, kadib markii ay isku dayeen iney la dagaallamaan ciidanka xoogga dalka.

Sidoo kale, taliyaha ayaa sheegay in howlgalkan ay kusoo saareen Miinooyin badan oo ay Al-shabaab ku aaseen waddooyin muhiim u ah shacabka.

Dhanka Al-shabaab wax war ah kama aanay soo saarin howlgalkan ay fuliyeen ciidanka dowladda ee la sheegay in dagaalyahannada looga dilay.

Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa howlgallo sidan oo kale ah waxay marar badan ka sameeyeen deegaanno ay dalka kaga sugan yihiin Al-shabaab.

Keydmedia Online

Commenting is not available in this channel entry.