Digniinta Beesha Caalamka oo iska soo daba dhaceysa

Wakiillada Beesha Caalamka oo u muuqda in qayladii ka dhamaatay ayaa mar kale ku celiyay in aysan aqbali doonin doorashooyin is bar bar socda ama mid cid gooni ah u xiran.

Warar Keydmedia Online
Digniinta Beesha Caalamka oo iska soo daba dhaceysa

MUQDISHO, Soomaaliya – Wakiillada Beesha Caalamka ee ku sugan Soomaaliya ayaa mar kale ku celiayay in ay lagama maarmaan tahay in Madaxda Soomaalida ka heshiiyaan arrimaha doorashooyinka isla markaana aysan taageeri doonin doorasho khilaaf ka jiro.

War ka soo baxay xaafiiska Qramada Midoobay ayaa lagu yiri; "Iyadoo ay Muqdisho ku sugan yihiin dhammaan hoggaamiyeyaasha muhiimka ah ee Soomaaliya, waxaa hadda la joogaa xilligii wadatashiyo aan rasmi ahayn ay yeelan lahaayeen si ay ugu heshiiyaan sidii horay loogu sii wadi lahaa shir madaxeedka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad goboleedyada ee xubnaha ka ah Federaalka loona aado doorashooyinka”.

Beesha Caamalka oo kordhisay caadiska ay saareyso Madaxda Soomaalida ayaa mar kale ku celisay "in aysan taageeri doonin hannaan doorasho oo hal dhinac ah ama isbarbar socda ama tillaabo kasta oo horseedeysa kordhinta muddo xileedkii hore."

Guud ahaan Madaxda Soomaaliya ee shirka muhiimka u ah ayaa ku sugan Muqdisho, waxaana la isku fahmi la’yahay ajandaha shirka.

Farmaajo iyo kooxdiisu waxa ay doonayaan in shirku noqdo saxiix kaliya, isla markaana kaliya laga hadlo qodobadii ka soo laabtay heshiiskii 17kii September 2020 lagu gaaray Muqdisho.

Dhanka kale oo ay hoggaaminayaan, Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa doonaya in shirku noqdo mid furan oo laga dodoo wax kasta oo doorashada lagama maar maan u ah, uguna horreeyo Amniga.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.