Dhacdo argagax leh oo ka dhacday Beledweyne

Boqolaal qof oo u badan ardaydii uu waxbaray ayaa ka qeybgalay aaska Macalin Cumar oo ahaa shaqsi ixtiraam iyo xushmad badan loo hayay.

Warar Keydmedia Online
Dhacdo argagax leh oo ka dhacday Beledweyne

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Waxaa magaaladda Beledweyne, ee xarunta gobolka Hiiraan ka dhacday xalay dhacdo xanuun badan, oo taabatay dareenka guud ahaan shacabka qeybihiisa kala duwan.

Haweenay ayaa ninkeeda oo ahaa Macalin Dugsi Qur'aan ku dishay sun ay raashiinka ugu dartay, oo casho ahaan ugu diyaarisay markii uu usoo hoyday gurigeeda, isagoo ahaa nin leh dhowr xaas.

Dhacdadan oo kamid ah caqabadaha qoysaska Soomaaliyeed haysta ayaa aad looga hadal-hayay magaaladda Beledweyne, oo macalinka uu caan ka ahaa, isagoo wax baray arday badan oo ka aflaxay Dugsigiisa.

Xaafadda Xaawo-Taako ayuu ka dhacay falkan argagaxa leh, ee Macalinka lagu dilay, waxaana lagu soo waramayaa in Ciidanka amiga ay gacanta ku dhigeen Haweenayda gacan-ku-dhiiglaha noqotay.

Boqolaal qof oo murugaysan, oo u badan ardaydiisa iyo qoyskiisa ayaa isagu soo baxay aaska Macalinka oo lagu duugay qabuuro ku yaalla degaanka Faafgumare, ee duleedka Beledweyne.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.