Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Dhagabadan ayaa hadalkaan jeediyay maalintii Jimcaha ee shalay isagoo warfidiyeenada kula hadlayay garoonka diyaaradaha Balli-doogle ee gobbolka Shabeellaha Hoose halkaasoo ay dhowaan la wareegeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
"Ciidamada xoogga qaranka iyo Saaxiibadooda AMISOM waxay ku guuleysteen inay kooxdii jid iyo jaha diidka ay kala wareegaan garoonka Balli-doogle oo ay waxyaabo khaldan u adeegsan jireen,"ayuu yiri Dhagabadan.
Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa ku sii siqaya degmada Buurhakaba ee gobbolka Bay, iyagoo sheegay inay isku furi doonaan magaalada Muqdisho iyo magaalada Baydhabo ee xarunta gobbolka Bay.
Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho
Add comment
Comments