Dhagabadan: lama hadli doona saxaafada hadii…...

MUQDISHO(KEYDMEDIA) Abaanduulaha ciidamada dowlada KMG ah C.kariin Dhagabadan oo maanta saxaafada kula hadlay degmada deyniile ee gobalka Banaadir ayaa sheegay in aanu saxaafada mar danbe la hadli doonin hadii aanay saxaafada joojin isticmaalka Ereyga Shabaab.
Warar Keydmedia Online
Dhagabadan: lama hadli doona saxaafada hadii…...

" Ogaada wariyaashiina hadii aadan joojin isticmaalka Shabaab aadana ugu yeerin kooxdaasi JID IYO JAHA DIID in aniga iyo idinka aanan mardanbe shir isugu imaan doonin" ayuu yiri Dhagabadan oo ku labisan Dareeska Dowlada kuna sugan deyniile.

Dhagabadan ayaa mudooyinkanba waxa uu ku qasbayay saxaafada gudaha in Al-shabaab ay ugu yeeraan JID IYO JAHA DIID iyo kooxo AIDS qaba, laakiin Dadka ku la nool AIDS-ka ee ku nool Muqdisho ayaa arintaasi canbaareeyay.

www.keydmedia.net