Kiiska dilka Gud Hodon oo soo laba-kacleeyay
Waxaa maalintii labaad dib u billowday dhageysiga dacwada badda Soomaaliya ee Kenya muranka galisay, taas oo dhageysigeedu ka socdo Maxakamdda ICJ.
THE HAGUE, Netherlands – Maxakamadda Cadaaladda Adduunka ayaa maalintii labaad u fadhisa dhageysiga dhacwada ay Soomaaliya ka gudbineyso Keynya.
Mar kale, waxa maanta la dhageysanayaa qareennada Soomaaliya, iyo guddiga ay DF u xil saartay kiiskan ee uu hoggaaminayo RW ku xigeynka dalka Mahdi Guuled.
Dalka Kenya oo hore u sheegay in aysan ka qeyb gali doonin dhageysiga dacwada ayaa ka maqan Maxakamadda.
Dhageysiga dacwada ayaa bilaawday 5:00pm xilliga geeska Afrika, waxanaa la soo xiri doonaa marka saacadda Muqdisho soo dul istaagto 7:00PM ee caawa.
Wixii ka soo kordha kiiskaan, iyo doodda ay jeedinayaan qareennada u doodaya Soomaaliya kala soco, bogga wararka Keydmedia Online.
KEYDMDIA ONLINE
Add comment
Comments