Dhageysiga dacwada badda Soomaliya oo bilaabatay

Dhageysiga dacwada badda Soomaaliya ee Kenya muranka galisay, ayaa ka bilaabatay Maxakamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ.

Warar Keydmedia Online
Dhageysiga dacwada badda Soomaliya oo bilaabatay

THE HAGUE, Netherlands – Waxaa Maxakamadda Cadaaladda Adduunka ka billowday dhageysiga dacwada badda Soomaaliya ee Kenya ay muranka galisay, taas oo loo madlanaa in ay maanta qabsoonto.

Dalka Kenya ayaa ka maqan Maxakamadda waxaana laga diiday 30 daqiiqo oo ay codsadeen, si ay sharaxaad dheeri ah uga bixiyaan  maqnaanshiyahooda.

Wajiga koobaad ee dhageysiga dacwada ayaa bilaabatay 5:00pm xilliga geeska Afirika, waxaana la soo gaba gabeyn doonaa 8:00pm isla xilliga geeska Africa.

Waxaa hadda socda dhageysiga qareennada u doodaya Soomaaliya, waxaana hadal jeedinta koobaad la siiyay RW, ku xigeynka Soomaaliya Mahdi Guuleed.

Boggaan ka daawo dhageysiga dacwadda: 

Shacab Soomaaliyeed oo aad u badan, isla markaana wata calanka Soomaaliya, sawiro iyo qoraallo ay ku cabirayaan badda Kenya muraka galisay, ayaa soo buux dhaafiyay iridda Maxakamadda waxayna ICJ ka dalbanayaan caddaalad.

Faahfaahinta dhageysiga dacwada kala soco bogga wararka Keydmedia Online.

KEYDMEDIA ONLINE.

Commenting is not available in this channel entry.