Dhageyso: Raas Kambooni oo qiray in Ciidan ka goostay ku biireen Garabka Barre Hiiraale

Kismaayo (KON) - Sarkaal Sare oo kamid ah Maleeshiyada Raas Kambooni, ayaa Maanta qiray War ay Shalay baahisay Keydmedia Online oo ahaa in Ciidan kamid ah Kooxda ay goosteen, kadibna ku biireen Garabka Barre Hiiraale.
Warar Keydmedia Online
Dhageyso: Raas Kambooni oo qiray in Ciidan ka goostay ku biireen Garabka Barre Hiiraale

Col. Cabdi C/llaahi Faarax, oo kamdid ah Maleeshiyada Raas Kambooni ayaa u sheegay Idaacadda Mustqbal in uu jira Warka ah Ciidanka dhankooda ka goostay ee ku biiray Ciidamada Col. Barre Hiiraale oo ku sugan Deegaanka Goonweyn, ee Duleedka Magaalada Kismaayo.

"Waxaa jirtay 7 Askari oo ka goostay Maamulka Jubba, oo ku biiray dhanka Barre Hiiraale, ee naga soo horjeeda, laakin taasi waxba uma dhimayso Maamulka Axmed Madoobe," ayuu yiri Cabdi C/llaahi.

Wuxuu sheegay in Ciidanka ka goostay ay ahaayeen kuwa markii hore aan ku qanacsanayn kamid ahaanshaha Maleeshiyada Raas Kambooni, oo Shacabka Kismaayo ku eedeeyeen Dhac & Kufsi.

Hadalka Col. Cabdi C/llaahi Faarax, ayaa imaanaya Malain kadib markii Saraakiisha Ciidanka Barre Hiiraale kusoo dhaweeyeen Ciidan ka yimid Kismaayo oo gaaraya Boqol Askari Maalintii Isniintii Xero military oo lagu magacaabo Sabca Ashraaf oo ku taalla Deegaanka Goobweyn, iyagoo wata Hubkooda & Gaadiidkooda Dagaalka.

Ciidanka oo aan Tiradooda la shaacin, balse lagu qiyaasay 100 Askari ayaa waxa ay Tababar Military kusoo qaateen dhawaan Xerada Kamanga ee dalka Kenya, waxayna sheegeen in markii ay yimaadeen Kismaayo si xun ay ula dhaqmeen Ciidanka Kenya oo bixiya Amarada ay ku shaqeeyaan Maleeshiyada u adeegta ee Raas Kambooni.

Col. Barre Hiiraale, ayaa isku diyaarinaya Dagaal uu dib ugula wareego Kismaayo oo Sanadkii 2013 laga soo saaray, waxaana hadda uu Tababaro ku siinayaan Ciidankiisa Deegaanka Goobweyn, isagoo Taageero buuxda ka helaya Beelaha dega Jubooyinka oo Axmed Madoobe Maamulkiisa kasoo horjeeda.

Ciidan & Saraakii badan ayaa ayaantaan kusoo biiraya Ciidamada Barre Hiiraale.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

Hoos ka Dhageyso Wareysi uu Col. Cabdi siiyay Radio Mustaqbal: