Dhageyso: Taliska Ciidanka oo Fah-Faahin ka bixiyay ‘Howlgalka Badweynta Hindiya’

Fiidow (KON) - Taliska Ciidanka Xooga dalka, ayaa Fah Faahin ka bixiyay Howlgalka loogu magacdaray Badweynta Hindiya oo Kooxda Al shabaab looga saaray guud ahaan Goobaha ay ka joogaan dalka Soomaaliya.
Warar Keydmedia Online
Dhageyso: Taliska Ciidanka oo Fah-Faahin ka bixiyay ‘Howlgalka Badweynta Hindiya’

Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi, oo ah Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, ayaa sheegay in Ciidamada DFS & AMISOM ay Guulo waaweyn ka gaareen Dagaalka socda ee ka dhanka ah Kooxda Al shabaab, isagoo xusay in Maalmihii lasoo dhaafay ay la wareegeen Degmooyin & Deegaano badan.

Wuxuu sheegay in 'Howlgalka Badweynta Hindiya' uu u socda sidii ay qorsheeyeen, oo ahaa in Al shabaab laga saaro Degmooyinka & Deegaanada ay ka joogaan Koonfurta, Galbeedka & Bartamaha dalka Soomaaliya kahor inta uusan dhamaan 2014.

'Howlgalka Badweynta Hindiya' waxa uu leeyahay Labo Ujeedo oo kala ah Isku-Furka Wadooyinka Degmooyinkii Al shabaab laga saaray intii uu socday Wajiga 1-aad ee Howgalka & in la qabyo tiro Howgalka oo DFS gacanteeda lasoo galiyo Maamulka Guud ahaan dalka.

"Gobolada Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha Hoose & Hiiraan, waxaan ka saarnay Al shabaab Labadii Maalmood ee lasoo dhaafay Fiidow, Keliga Shiinaha, Buulo Mareer, Dhiin-Garas & Kurtunwaarey, waxaana hadda qorsheynaynaa inaan gaarno dhawaan Degmooyinka Jalalaqsi & Baraawe oo aan kaabiga ku haynyo," ayuu yiri Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi, oo ku sugana Deegaanka Fiidow.

Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi, ayaa dhanka kale sheegay in markii ay Al shabaab ka saaraan dhamaan dalka ay Amaanka Degmooyinka ku wareejin doonaan Ciidamada Booliska & Nabad Sugida, iyadoo sidoo kale Maamullo Rayid ah loo samayn doono Goobaha la xureeyay.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

Hoos ka Dhageyso Wareysi uu siiyay Radio Kulmiye:




    Warar 20 September 2020 14:00

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa dhawaan shaaciyay inay magaalo kasta oo kamid ah Galmudug loo sameyn doono Golle degaanka, si shacabka ay usoo doortaan hogaamiyaasha ay doonayaan, oo aan dusha looga keenin.