Dhageyso: Xagee la geeyay Ciidamadii Barre Hiiraale, ma jirtaa in Meel Cidlo looga tagay?

Kismaayo (KON) - Afhayeenka Col. Barre Hiiraale C/rashiid Macalin Gaas, ayaa sheegay in Ciidamadii uu watay Col. Barre Hiiraale dhamaan la geeyay Xeryo ku yaalla Duleedka & Gudaha Magaalada Kismaayo, balse Daryeel haysan.
Warar Keydmedia Online
Dhageyso: Xagee la geeyay Ciidamadii Barre Hiiraale, ma jirtaa in Meel Cidlo looga tagay?

Kadib markii uu Barre Hiiraale aqbaly Waanwaanta DFS & IGAD ayaa waxa ay Labada dhinac isku afgarteen in Ciidamadii ku sugnaa Deegaanka Goobweyn 13-kii Bilood ee lasoo dhaafay la geeyo Kismaayo, sidoo kalena Barre Hiiraale loo qaado Muqdisho.

C/rashiid Macalin Gaas wuxuu sheegay in Ciidamada Barre aan wali lagu darin Maleeshiyada Raas Kambooni, balse ay socdaan Dadaallo arrimhaasi ku aadan, waxaana uu tilmaamay in hadda ka dejiyay Ciidanka Dekedii hore, Xaafadda Buulo Africo & Xeebta Badda Kismaayo.

"Ciidamadeena waa Ciidan Qaran oo leh Tababar wanaagsan & Asluub Ciidan, ma ahan kuwa lamid ah Maleeshiyada Raas Kambooni ee dhaca & Kufsiga Haweenka Soomaaliyeed kawada Kismaayo," ayuu yiri Afhayeenka Barre Hiiraale.

Si kastaba, Ciidamada Col. Barre Hiiraale oo Wata Gaadiid Dagaal ayaa la sheegay wali in si rasmi ah Meel loo dejin oo ay noqdeen kuwa inta lagu danaystay Meel Cidla ah looga tagay, sida aan Wararka ka helayno.

Bishan September 21-keeda, waxaa lagu wadaa inay Kismaayo ku kulmaan Beelaha Axmed Madoobe & Barre Hiiraale oo Sanadkii 2013 Dagaal dhiig badan ku daatay ku dhexmaray Magaalada, waxaana Labadaasi Beelood ay ku dagaalamayaan Maamulka Gobolada Jubbooyinka.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

Hoos ka Dhageyso Wareysiga Afhayeenka uu siiyay Radio Kulmiye: