Dhageyso: Xildhibaan Jeesow “Sharciga Dalka u dagan, Madaxda kuma socdaan”

Muqdisho (KON) - Xildhibaan Daahir Amin Jeesow oo ka mid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dhaliilay Aqoonsigii DFS ay siisay Maamul Saddex Gobal, asigoo tilaabadaasi ku tilmaamay Xaqdarro.
Warar Keydmedia Online
Dhageyso: Xildhibaan Jeesow “Sharciga Dalka u dagan, Madaxda kuma socdaan”

Xildhibaan Jeesow oo ah Gudoomiye Kuxigeenka Gudiga Arrimaha Gudaha ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Heshiiski lagu galay Magaalada Muqdisho ku sheegay mid Cadaallo darro ah.

Jeesow ayaa sheegay in Maamuladda la dhisayo ay tahay in Baarlamaanka Federaalka la horkeeno.

"Raisul Wasaare heer Qaran baa tahay, ha usoo noqonin Qabiil, waxa aad Shalay sameysay oo maanta Umadda Soomaaliyeed ka Qeylisiinaya waxaa ugu danleedahay Axmed Madoobe kaliya" Ayuu yiri Xildhibaan Xildhibaan Daahir Amin Jeesow.

Xildhibaan Jeesow ayaa ka mid ah Gudiga loo xilsaaray Maamul u sameenta Gobollada Dalka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Hoos ka Dhageyso Codka Xildhibaan Daahir Amin Jeesow:

Keydmedia Online - Muqdisho