Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo laga dareemayo Muqdisho

Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa caawa laga dareemayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ka duwan kuwii ka jiray labadii habeen ee lasoo dhaafay.

Warar Keydmedia Online
Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo laga dareemayo Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Dhaqdhaqaaqyo ciidan ayaa laga dareemayaa magaalada Muqdisho iyadoo caawa fiidkii lagu arkayay gawaari ciidan oo aan horay loogu arkin muddooyinkan dambe.

Sida ay noo xaqiijiyeen dad goobjooge yaal ah ciidamo farabadan ayaa la soo dhoobay isgoysyada Beexaani, Bisha cas, Fagax iyo Sanca. Lamana oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa ciidamada halkaasi la dhigay.

Sidoo kale Isgoysyada Baar-ubax iyo Balaag-sii ayaa iyagana lasoo dhigay ciidamo ka tirsan kuwa Booliska, isgoysyadan ayey saddex habeen kahor yimaadeen ciidamada iyagoo kusoo dhawaaday fariisimaha cusub ee uu xaafadda Siirkole ka sameystay taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Gobolka Benaadir Saada Joon.

Lama oga dhaqdhaqaaqyada caawa laga dareemayo Muqdisho waxa ay salka ku hayaan, waqooyiga Muqdisho gaar ahaan degmada Kaaraan ayaa sidaas oo kale lagu soo warramayaa in ay isku dharariyeen aag ballaaran ciidamo uu wato madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo kuwo ka amar qaata Senator Muuse Suudi Yalaxow.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].