Dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo ka billowday Xalane

Galinkii dambe ee maanta waxaa ka billowday gudaha Xerada Xalane dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed, kuwaasoo ay yeelanayaan siyaasiyiinta ka aragtida duwan Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo

Warar Keydmedia Online
Dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo ka billowday Xalane

MUQDISHO, Soomaaliya - Magaalada Muqdisho waxaa shalay galinkii dambe soo gaaray wafdi ballaaran uu hoggaaminayo Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) si uu uga qeyb galo shir lagu wado inuu dhawaan ka furmo xerada Xalane, kaasoo la doonayo in lagu soo gabagabeeyo muran siyaasadeedka hareeyay doorashada Soomaaliya.

Axmed Madoobe oo ah hoggaamiye mayal adag, islamarkaana si aada uga soo horjeeda siyaasadda madaxweyne Farmaajo, horayna u sheegay in 20 Milyan uu u gaaray Farmaajo si uu uga dago xilka madaxweynaha Jubbaland ayaa haatan muqdisho yimid isagoo ka qeyb galaya shir ay qaban-qaabadiisu leedahay Beesha Caalamka oo lagu wado maalmaha soo socda inuu ka furmo xerada Xalane.

Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa booqday madaxweynaha Jubbaland Axmed madoobe oo deggan gudaha xerada Xalane, halkaas ayey labada mas'uul ku kulmeen, waxayna iska wareesteen xaaladda guud ee dalka iyagoo ka siman aragtida ah in Farmaajo uu meesha ka baxo, waxay si aada uga wada hadleen arrimaha la isku hayo ee doorashooyinka la xiriira.

Sidoo kale kulan labaad ayuu la qaatay Hoggaamiye Axmed Madoobe mida kamida shakhsiyaadka saameynta badan ee ku jira golaha midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa hoyga uu Axmed Madoobe ka daggan yahay Xerada Xalane kulan kula qaatay.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur yiri "Waxaan ka wada hadalnay sida looga talaabi karo caqabadaha ku horgudban heshiis buuxa oo doorashooyinka laga gaaro." Isagoo uga mahadceliyay is xilqaanka iyo dadaalka uu arrinkaas ugu jiro hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.