Dhar-cad lasoo dhoobay xarunta Golaha Shacabka

Ciidamo dhar-cad ah ayaa lasoo dhoobay xarunta Golaha Shacabka ee ku dhax taal Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Hargeysa, halkaasoo maanta uu ku qabsoomayo mid kamida kulamada Golaha Shacabka ee shakigu ka taagan yahay Ujeedadiisu!

Warar Keydmedia Online
Dhar-cad lasoo dhoobay xarunta Golaha Shacabka

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka BJFS ayaa sheegay in Xarunta Villa Hargeysa oo lagu ballansanaa inuu maanta ka qabsoomo kulan looga hadlayo Covid-19 ka lasoo dhoobay ciidamo dhar-cad ah.

Sida ay noo xaqiijiyeen Xildhibaano kale oo aan la xiriirnay waxay iyagna noo sheegeen in lagu arkayo ciidamo cusub gudaha xarunta madaxtooyada gaar ahaan Villa Hargeysa.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa bartiisa Facebook -ga kusoo qoray in ciidamo dhar-cad ah oo sidii Maleeshiyaadka u hubeysan lasoo dhoobay illinka hore ee xarunta Golaha Shacabka waxa uuna yiri "Maleeshiyaadka Ilaalada Shacabka ee Fahad Yaasiin hoostaga ayaa saakay xarunta Golaha Shacabka la soo dhoobay"

Xildhibaanku waxa uu eedda ciidamadaasi dhar-cadka ah ee lasoo dhoobay dusha uga tuuray Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Maxamed Sheekh Cabdiraxamaan Mursal waxa uuna yiri "Waxaana naloo sheegay in Gudoomiye Mursal dalbaday. Sida muuqata Mursal CIMRI TAGAY AYUU CEEB KU SAGOOTINAYAA!"

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.