Dhega-badan oo sheegay in Godane uu ahaa Qodax ku taagneyd Shacabka {DHAGEYSO}

Kampala (KON) - Jen. C/kariin Yuusuf Aadan “Dhaga-badan” Abaanduulihii hore ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, ayaa si weyn usoo dhaweeyay Dilka Axmed Godane, Hogaamiyihii Al shabaab.
Warar Keydmedia Online
Dhega-badan oo sheegay in Godane uu ahaa Qodax ku taagneyd Shacabka {DHAGEYSO}

Dhaga-badan ayaa ku tilmaamay Dilka Axmed Godane "Qodax ku taagnayd Shacabka Soomaaliyeed oo laga siibay" isagoo dhanka kale ugu baaqay Dowladda Federaalka in aysan is dhigan oo Feejignaan dheeri ah gashay, maadaama ay joogaan Ragii uu tababaray Godane. 

General C/Kariin Yuusuf Aadan Dhaga Badan, oo hadda degan magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda ayaa sheegay in Geerida Axmed Godane ay tahay Dharbaaxo culus oo ku dhacday Kooxda Al shabaab oo hadda dhinacyo badan Dagaallo uga furan yahay. 

"Yaan la oran Godane waa uu dhintay, Godaniyaal badan oo isaga Daacad u ahaa ayaa nool oo qorsheynaya inay u aargudaan oo Qaraxyo & wax lamid ah Shacabka Soomaaliyeed ku laayaan, marka Dowladda waa inay feejignaan samaysaa oo Amaanka sugtaa," ayuu yiri General C/Kariin Yuusuf Aadan Dhaga Badan oo la hadlay Radio Kulmiye.

Dhanka kale, General C/Kariin Yuusuf Aadan Dhaga Badan wuxuu soo dhaweeyay Howlgalka socda ee "Badweynta Hindiya" ee ay iska kaashanayaan Ciidamada DFS & AMISOM ee Al shabaab looga saarayo dhamaan dalka.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho




    Warar 25 September 2020 4:10

    Bajaajlayaasha waxaa la dilaa iyaga oo bixinaya canshuurtii dowladda, waana cadaalad daridda ka jirta Muqdisho sida uu Farmaajo xilka ula wareegay oo ku kalliftay dhalinyarro badan in ay gabi ahaamba dalka isaga tagaan.