Dhiiqada magaalada taalla wax ka qabta - (Odawaa)

Miisaaniyadda sanadka 2021 ee gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay $36,857,503.00, iyadoo ay ansixiyeen 62 ergo oo ka kala socotay qeybaha kala duwan ee Maamulka Gobolka Banaadir heer degmo iyo heer Gobol.

Warar Keydmedia Online
Dhiiqada magaalada taalla wax ka qabta - (Odawaa)

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay, in nidaamka Cumur Finish, oo hore ugu fashilmay, wax ka qabashada fayo-dhowrka magaalada Muqdisho, uu hadda amar ku bixiyo in lago wareejiyo goobo caafimaad oo hay’ado gaar loo leeyahay maamulaan.

 “Waxaan dhagaystay shir jaraa’id oo uu qabtay gobolka Banaadir oo lagu amrayo in lagu soo wareejiyo xarumo caafimaad oo uu sheegay in si gaar ah loo maamulo, waxaan maqli jiray tiisa daryeelaa mid kale u kaalmeeya, inta aan caafiimaadka dadka loo dhiibin gobolka bal dhiiqadaan magaalada laga mari waayay si hanaga yeelo”. Ayuu yiri, Odawaa.

Cumar Finish, ayaa ku  lug yeeshay is-qabqabsi ganaci, oo maalmihii la soo dhaafay ka socday xaafisyada sare ee Dowladda, wuxuuna shalay amar ku bixiyay in gobolka Banaadir lagu wareejiyo maamulka isbitaaallada waaweyn ee Jazeera iyo Yardimeli, isagoo fulinaya amar ka soo baxay Farmaajo, si looga jaabo tallaabo uu hore u qaaday Ra’iisul Wasaare Rooble, (Halkaan ka aqriso is-qabqabsiga ganacsiga)

Gobolka Banaadir, wuxuu la dhibaatoonayaa nadaafad la’aan xooggan, maamulka Cumar Finish, ayaana ku fashilmay in ay wax ka qabtaan dhiiqada iyo bullaacadaha isku darmay, kuwaas oo sabab u noqday in laga guuro xaafadaha qaar iyadoo laga cabsi qabo cudurro ka dillaaca biyaaha muddada yaalla qaar ka mid bartamaha degmooyinka Caasimadda.

Miisaaniyadda sanadka 2021 ee gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay $36,857,503.00, iyadoo ay ansixiyeen 62 ergo oo ka kala socotay qeybaha kala duwan ee Maamulka Gobolka Banaadir heer degmo iyo heer Gobol.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Bayle, ayaa hore u sheegay in ku dhawaad 15 Milyan oo doolar ay Dowladda Fadaraalka bishii ka soo gasho gobolka Banaadir, taas oo ka dhigan in ku dhawaad 200 oo Malayan ay ka soo xarooto Sanadkii, waxaana la is weydiinayaa waxa lagu qabto iyo halka ay marto lacagta intaas la eg.

Wadayaaasha gaadiidka shacabku raaco, sida caasiyada iyo mootooyinka, ayaa si joogto ah cabsho u soo bandhiga, kadib markii ay go’een qaar ka mid ah jidadka magaalada, mana jirto cid wax ka qabata cabashooyinka dad weynaha.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.