Kenya is Somalia’s true friend, says diplomat
Waxaa laga digay, isku dayo lagu doonaayo in lagu qaato xaruntii Waaxda dhul-bixinta D/hoose ee ku taalla ka soo horjeedka ifka-Xalan ee isla Degmada Warta-nabadda, dhulkaas oo dadka boobka wadaa doonayaan in ay bara-kiciyaan dad shacab ah ee deggan.
MUQDISHO, Soomaaliya – Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa amray in la joojiyo dhul boob lagu hayo, dhul dan-guud ah oo ku yaal degmada Warta-nabadda ee gobolka Banaadir, kaasoo ay boobkiisa u tafa-xeyteen shaqsiyaad aan magacooda la xusin.
Amar ka soo baxay xafiiska Guddoomiye ku Xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda gobolka Banaadir, Cabduqaadir Maxamed Maxamuud [Caana-boore], ayaa lagu joojiyay boobka lagu dhisanaayo suuqa Siinaay ee Degmada Warta-nabadda ee gobolka Banaadir.
Sidoo kale, waxaa laga digay, isku dayo lagu doonaayo in lagu qaato xaruntii Waaxda dhul-bixinta D/hoose ee ku taalla ka soo horjeedka ifka-Xalan ee isla Degmada Warta-nabadda, dhulkaas oo dadka boobka wadaa doonayaan in ay bara-kiciyaan dad shacab ah.
Hantidhawrka Guud, Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud, Guddoomiyaha Warta-nabadda iyo xafiisyo kale, ayaa waraaqda ka soo baxday xafiiska Caana-booro, looga codsaday in ay ka qeyb qaataan joojinta boobkaas lagu haayo hantida maguurtada ah ee gobolku leeyahay.
Shaqsiyaad ku magacaaban xilal dowladeed iyo ganacsato is kaashanaya, ayaa boob xooggan ku haya dhulalka danta guud oo aysan hadda dowladdu ku shaqeyn, waxaana barakac xooggan lagu wadaa danyar muddo daggganeyd, kuwaas oo dhul kale lahayn.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments