Dhul Gariir Hargaysa Iyo Boorama Gilgilay

Hargaysa (Keydmedia) - Magaalada Borama ayaa laba jeer Gariirtay xillii ay ahayd saq dhexe saacaduna tilmaamaysay 2:20 habeennimo waa markuu dhacay gariirkii ugu cuslaa illaa xiligii bilowgii 1980mar labaad ayay haddana gariirtay magaaladu saacadu markay ahayd 2:52 isla Xalay, wali wax khasaara ah lama sheegin.
Warar Keydmedia Online
Dhul Gariir Hargaysa Iyo Boorama Gilgilay

Sidoo kale waxaa Xalay iyadana uu Dhulgariir culus uu ka dhacay magaaladan Hargaysa, goor xili dambe ah oo badiba ay hurdeen dadka magaalada Hargaysa.

Wali wax khasaara ah lama sheegin dhamaan magaalooyinkii uu ka dhacay dhulgariirku.

Keydmedia.net