Dhuusamareeb oo maadaafiic lagu weeraray

Kooxda Al-Shabaab ayaa caawa hoobiyayaal ku weeraray magaalada Dhuusamareeb.

Warar Keydmedia Online
Dhuusamareeb oo maadaafiic lagu weeraray

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Wararka ka imaanaya Dhuusamareeb ayaa sheegaya in tiro madaafiic ah ay ku dhaceen magaalada kuwaas oo ay soo tureen Kooxda Al-Shabaab.

Hoobiyayaasha ayaa haleeyay qeybo ka mid ah xarumaha Maamulka Galmudug iyo xaafado dad shacab ah leeyihiin oo ku yaalla Dhuusamareeb.

Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb waxaa ku sugan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha dawladda Soomaaliya, iyo qaar ka mid ah madaxda maamul gobolleedyada.

Goobjoogayaal ku sugan magaalada ayaa sheegaya in qoys ag dagganaa saldhigga Booliska degmada uu mudfac ku habsaday, waxaana la soo warinyaa in uu qasaare jiro.

Isbitaalka magaalada ayaa la sheegayaa in la geeyay hal ruux oo dhaawac ah.

Madaxda ku sugan Dhuusamareeb oo Farmaajo ugu horreeyo ayaa caaawa intii madaafiicdu magaalada ku socotay ku gambanayay gawaaeriada aan xabaddu karin, waxaana walwal xoogan laga muujinayaa xaaladda amni ee magaalada.

Dhuusamareeb waxaa la filayaa inuu birri ka furmo shir u dhaxeeya Dowladda Fadalaadka iyo Maamul Goboleedyada kaas oo looga arinsano xaaladaha ku xeen-daaban doorashooyinka.

Qoorqoor waxaa ka soo wareegatay hal sano markii loo doortay xilka Madaxwenaha Galmudug 2 Feebaraayo 2020, hal sano kadib degaanadii amaanka ahaa ee maamulkiisa lagu wareejiyay caawa Al-Shabaab ayaa kaabiga ku haya falal amni darrana ka geysanaya, tan iyo markii la dooraty Qoorqoor wuxuu ka shaqeynayay kaliya hirgalinta danta kuwa soo dirsaday ee kala ah Fahad iyo Farmaajo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.