Dib u dhac ku yimid dhismaha gudiyada doorashooyinka

Madaxda Maamul Goboleedyada, marka laga reebo Koonfur Galbeed ayaa ku guul-dareystay inay xubnaha matelaya ay kusoo gudbiyaan ugu dambeyn 20-ka bishan, oo Shalay ahayd.

Warar Keydmedia Online
Dib u dhac ku yimid dhismaha gudiyada doorashooyinka

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa dib u dhac ku yimid markii labaad waqtiga loo qabtey Maamullada inay kusoo gudbiyaan xubnaha ugu matalaya gudiyadda doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka, heer Federaal iyo heer dawlad Goboleed.

Sababta ayaa ah in Jubbaland, Puntland, Galmudug iyo HirShabeelle aysan soo gudbin mid labo xubnood ugu dambeyn 20-ka October, oo shalay ahayd, waxaana wararka soo baxaya ay sheegayaan inuu jiro khilaaf cusub oo soo dhex-galay Farmaajo iyo Madaxda Maamullada.

Axmed Madoobe ayaa ah mucaaradka ugu wayn, isagoo shuruud ku xiray soo gudbinta xubnaha in marka hore Farmaajo kasoo saaro Ciidanka Gedo, islamarkaana dib loo soo celiyo Maamulladii horey uga dhisnaa Garbahaarey, Doolow, Luuq, Balad-Xaawo iyo kan gobolka.

Farmaajo ayaa qorsheeyay in doorashadda Xildhibaanadda ee ka dhacaysa Garbahaarey uu isaga maamulo, taasoo Axmed Madoobe diidan yahay, una arka in laga goynayo Gedo maamulka uu hogaamiye ee fadhiya Kismaayo.

Madaxweynaha HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare oo isna Xabsi guri lagu geliyay Muqdisho, ayaa dalbaday in Villa Soomaaliya ay faragelinta ka joojiso arrimaha doorashadda maamulkiisa, oo hadda u muuqda in laga wareegay, oo loo wado musharax dooran.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.