Dib u dhicii Saddexaad oo ku yimid jadwalka doorashooyinka

Maanta oo taariikhdu tahay July 25, 2021, ayaa lagu waday in ay dalka ay ka bilaabato doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, hayeeshee dib u dhac ayaa ku yimid markii saddexaad doorashada dalka.

Warar Keydmedia Online
Dib u dhicii Saddexaad oo ku yimid jadwalka doorashooyinka

MUQDISHO, Soomaaliya - Sida ay hore u baahisay Keydmedia Online, Jadwalka doorashooyinka ayaa mar kale fashilmay, taas oo sababtay in markii Saddexaad ay dib u dhacaan doorashinka ay masuulka ka yihiin Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal (GDHF), kuwaas oo 16-kii bishaan, soo saaray jadwal ay ku sheegeen midkii ugu danbeeyay ee doorashooyinka.

Sida ku dhigan qodobka 2aad ee jadwalka la soo saaray July 16 2021, 17-ka ilaa 23-ka bishaan, ayuu qorshuhu ahaa in Madaxweynayaasha Maamullada ay guddiga u gudbiyaan liiska musharixiinta Aqalka sare, hayeeshee, inta badan MW-yaasha Maamullada ayaa ku fashilmay qodobkaas.

Sidoo kale, July 25, 2021, oo maanta ku beegan, ilaa 28-ka, waxaa la qorsheeyay in la gudagalo lana soo gabagabeeyo doorashada Aqalka Senate-ka, taasna waxa ay u muqataa mid lagu guuldareystay.

Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Dowadaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, ayaa dhankooda wali soo magacaabin, Guddiyada maamuli lahaa doorashada Aqalka Sare, marka laga yimaado Dowlad goboleedka Jubbanland.

Kaliya Maamul goboleedka Jubbaland ayaa ilaa hadda ku dhawaaqay, inuu diyaar u yahay qabashada doorashada Aqalka sare, hayeeshee, ma jirto doorasho Senate oo maanta ka dhacaysan Kismaayo.

Sida ay KON, hore u tabisay, Baarlamaanka Maamulka Galmudug, oo laga sugayo in ay soo saaraan xubnaha Aqalka sare ee ka imaaanaya degaannada GM, ayaa fasax ku jira, waxayna dib u soo laaban doonaan, horraanta bisha siddedaad ee soo socota.

Dib u dhacaan ku yimid jadwalka doorashooyinka, ayaa caqabad hor leh ku noqon kara, hesheekii 27-kii May iyo habraacyadii ka danbeeyay, waxaana doorashada hareynaya cagajiid xooggan oo xidadadiisu galaan Madaxtooyada Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 18:56

Khabiir amni ayaa ku doodaya in loo baahan yahay in la furo baariska dilkii Injineer Yariisow, si xal loogu helo, xaaladda cakiran ee la xariirta baarista kiiska Ikraan Tahliil Faarax, iyo saraakisha kale ee NISA.