Dib u dhis lagu samaynayo Wadooyinka Gobalka Shabeelaha Hooe

Howlo lagu dayactirayo wadooyinka gobalka Shabeelaha Hoose ayaa haatan waxay ka bilowdeen deegaano ka tirsan gobalkaasi.
Warar Keydmedia Online
Dib u dhis lagu samaynayo Wadooyinka Gobalka Shabeelaha Hooe

 

Howlahaan dib u dhiska wadooyinka ah ayaa waxaa iska kaashanaya dadka deegaanka, maamulka gobalka, iyo waliba ciidamada AMISOM, sida ay shaaciyeen dadka deegaanka.

Gudoomiyaha gobolka Shabeelada Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa sheegay in dib u dhis lagu sameynayo wadooyinka laamiga ah ee haatan burbursan si loogu soo celiyo laamigeedii hore.

C/qaadir Maxamed Nuur ayaa ka codsaday dadka shacabka ah ee ku nool Gobolkaasi in ay ka feejignaadaan waxyaabaha keeni kara nadaafad xumida iyo qashinka lagu shubayo wadada dhexdeeda.

Tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladii dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaa bur buray wadooyinka Soomaaliya, iyadoona wax dayactir ah aanan lagu samaynin.

Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho