Dibad-bax Farmaajo ka dhan ah oo Muqdisho ka dhacay

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay dibad-bax xooggan oo looga soo hor jeedo Madaxweyne Farmaajo.

Warar Keydmedia Online
Dibad-bax Farmaajo ka dhan ah oo Muqdisho ka dhacay

MUQDISHO, Soomaaliya -  Dad shacab ah oo isugu soo baxay degmooyinka Wadajir & Dharkenley ee gobolka Banaadir ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ku tilmaamay kali talis, kaligiis marooqsaday awoodda dalka.

Shacabkaan oo haween iyo caruur u badnaa ayaa sitay boorar ay ku xardhan yihiin erayo ka dhan ah MW Farmaajo oo ay ka mid yihiin, “Naga daga waan daalnaye, Madaxweynuhu ha dhaco, iyo kaligi talis dooni mayano”.

Bannaan-baxayaashan ayaa sheegay in ay doonayaan in dalka ay ka dhacdo doorasho xor ah oo la isla ogol yahay.

Waxa ay sheegeen in aysan diyaar u ahayn in dalka lagu celsho dagaal sokeeye iyo bur bur hor leh, taas oo ay sheegeen in waxa kaliya ee looga hor tagi karo ay tahay in ay dhacdo doorasho la isla ogolyahay.

Booliska ayaa ugu danbeyn rasaas ku kala ceyriay dibad-baxaasha oo an wax arbushaad ah wadin.

Maalmihii danbe waxaa magaalada Muqdisho can ka noday bannaan baxyo xooggan oo looga soo hor jeedo Farmaajo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.