Dibad Bax Lagu Taageeraayo Madaxweynaha Cusub oo Gedo Ka Dhacay

Muqdisho (KON)- Dibad bax ballaaran oo ay soo qaban qaabiyeen masuulyiinta Maamulka Gobbolka Gedo ee Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay deegaano badan oo ka tirsan gobbolka Gedo.
Warar Keydmedia Online
Dibad Bax Lagu Taageeraayo Madaxweynaha Cusub oo Gedo Ka Dhacay

Dibad baxaan oo ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa degmooyinka uu ka dhacay waxaa kamid magaalada Garbahaareey ee xarunta gobbolkaasi, Baladxaawo, Ceelwaaq, Luuq,Doolow iyo  deegaano kale oo ka tirsana gobbolkaasi Gedo.

Maxamed Cabdi Kaliil Gudoomiyaha Maamulka Gedo ee Dowladda Soomaaliya ka hadlay dibad baxaasi ayaa sheegay inay sharaf weyn u tahay in manta dibax bax ay ku muujinayaan shacabka iyo Masuulyiinta Dowladda ay ka dhigaan gobbolkaasi Gedo, isagoona sheegay in shacabka iyo Maamulka Gedo ay si isku mid ah u soo dhaweenayaan Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa loo soo dhaweeyay si ka duwan sidii loo soo dhaweyn jiray hogaamiyaashii ka horeeyay ee Soomaaliya.

Keydmedia Online -Xafiiska,Muqdisho