Dibadbax ka dhacay Muqdisho

Dadkan ayaa cabasho ka ah burburin lagu sameeyey goobahooda ganacsi.

Warar Keydmedia Online
Dibadbax ka dhacay Muqdisho

Ganacsatada waratada ah ee Suuqa degmada X/weyne ayaa maanta dhigay dibadbax ay kaga cabanayeen burburin ay ciidanka dowladda hoose ee Xamar ku sameeyeen goobihii ay ku ganacsanayeen.

Dadkan ayaa sheegay in maamulka degmada X/weyne uu marar badan ka qaatay lacago laaluush ah, si ay halkaasi ugu sii ganacsadaan, balse digniin la'aan la burburiyey goobahooda ganacsiga.

Sidoo kale, dadkan ayaa ka codsaday maamulka gobolka Banaadir in uu wax ka qabto cabashadooda ayna helaan goobo ay ku ganacsadaan.

Dhanka kale, guddoomiyaha degmada X/weyne, C/qaadir Maxamed ayaa warbaahinta u sheegay in dadkan ay ku dhex ganacsan jireen laamiga dhexdiisa, sidaasi darteedna cabasho laga muujiyey.

Wuxuu sheegay guddoomiyaha in dadkan loo raadin doono goobo kale oo ay ku ganacsadaan.

Meelaha ay ciidanka dowladda hoose ee Xamar burburiyeen ayaa waxaa ku ganacsan jiray haween u badan kuwa dahabka iibiya iyo warato kale.

Keydmedia Online

Commenting is not available in this channel entry.